Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ku guddoomay warbixinta guddi baaritaan ku sameynayay garsoore Maxamad Nuur Kuulow.
Waxaa guddigan hoggaaminayay garsoore Patrick Kiage oo ka howlgalo maxkamadda racfaanka ee dalka.
Waxay meesha ka saareen dhammaan eedeymihii loo jeedinayay xaakinka oo la xiriiray in uu ka dib dhacayay inuu go’aammo ka soo saaro kiisaska kala duwan ee loo gubiyo.
Sidoo kale garsoore Kuulow ayaa lagu dhaliilayay inuunan faahfaahin sababaha keenay in uunan waqtiga habboon ku go’aamin dacwadaha iyo inuu ku guul darreystay ka jawaabidda qoraalkii madaxa cadaaladda dalka Martha Koome.
Xaakinka ayaa dhanka kale lagu eedeyay in uunan oggolaan in racfaan laga qaato go’aammada uu soo saaro iyo inuu muujiyay karti la’aan dhanka shaqada ah.
Guddiga baaritaannada sameynayay ayaa ku taliyay in Maxamad Nuur Kuulow oo ka howlgalayay maxkamadda qaabilsan arrimaha deegaanka iyo dhulalka uu shaqadiisa sii wato maadaama aan lagu caddeyn eedeymihii ka dhanka ahaa.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo lala wadaagay warbixinta baaritaan ka dhan ahaa garsoore Kuulow