Barakacayaasha Falastiin oo lagu wado in ay dib ugu laabtaan Marinka Qaza

0
248

Falastiiniyiinta ka barakacay Marinka Qaza ayaa saaka la filayaa in ay dib ugu laabtaan hooygooda marka uu heshiiska xabbad joojinta ka hirgalo magaaladaasi abaare 8:30 ee subaxnimo saacadda dalkaas.
Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ka digay in xabbad joojinta ay noqon karto mid ku meel gaar ah.
Waxaa uu sheegay inuu taageero ka haysto maamullada Mareykanka ee hadda jira iyo kuwa imaanaya inay dib u billaabaan dagaalka Qaza haddii wajiga labaad ee wada hadalka uu u socon waayo sidii loo qorsheeyay.
Wajiga koowaad ee wada hadallada ayaa la isku dhaafsan doonaa 3 maxaabiis oo dhalasha ahaan ka soo jeeda Israa’iil iyo ilaa 95 maxbuus oo Falastiiniyiin ah.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza ayaa intii uu socday lagu dilay ugu yaraan 46,899 qof halka lagu dhaawacay 110,725 kale oo Falastiniyiin ah.