Koronto la’an ka jirta dalka Suudaan

0
247

Inta badan goobaha ay ciidamada militariga Suudaan ka taliyaan ayaa waxaa saameysay koronto la’aan.
Tani ayaa timid ka dib markii ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay adeegsanayeen ciidamada sida militariga u tababaran ee RSF-ta ay weerar ku qaadeen xarumaha korontada sida dadka deegaanka ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.
Weerarradan oo lagu qaaday biyo xireenka Merowe oo ah kan ugu weyn dalkaasi ayaa saameyn weyn ku yeeshay gobolka waqooyiga Suudaan halka cillad farsamo ay saameysay gobollada River Nile iyo Badda Cas.
Koronta la’anta ayaa sii fidday maalinkii sabtida kadib weerar xilli habeennimo ah lagu qaaday xarunta korontada ee al-Shouk ee bariga dalkaasi , taasoo khad la’aan dhigtay gobollada Gedaref, Kassala iyo Sennar sida saraakiisha iyo dadka deegaanka ay sheegeen.
Deegaannada ay dhibaatadu ka dhacday ayaa ah inta badan goobaha ay weli ciidamada militariga gacanta ku hayaan, kuwaasoo muddo ku dhawaad laba sano ah dagaal kula jiray kooxaha sida militariga u tababaran ee RSF-ta oo ka taliya inta badan galbeedka dalka Suudaan.
Malaayiin qof ayaa ku nool goobaha ay saameysay koronta la’anta taas oo ciriiri galisay meelaha ay ku nool yihiin iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Dagaalka Suudaan ayaa waxaa ku barakacay in ka badan 12 milyan oo qof guud ahaan waddankaasi waxaana hay’adaha kormeera macluusha ee caalamka ay bishan ku qiyaaseen in ilaa iyo 24.6 milyan oo qof, ama ku dhawaad kala bar dhammaan dadka Suudaan, ay si degdeg ah ugu baahan yihiin gargaar cunto ilaa bisha 5-aad ee May.
Dadweynaha ku nool magaalada Omdurman, ee aagga Khartoum oo ay militariga Suudaan maamulaan ayaa sheegay in la xiray foornooyinka lagu sameeyo rootiga.
Sida laga soo xigtay ilo wareedyo, injineerrada dalkaasi ayaa ku howlan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen howlihii xarunta korontada ee Merowe balse wali kuma aysan guulaysan.