Madaxweynaha dalka oo ku boorriyay waddamada Afrika inay iska kaashadaan dhisidda nidaamyo looga gudbaya gaajada

0
144

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in waddamada Afrika ay iska kaashadaan abuurista nidaamyo adag oo wadajir ah oo lagu horumarinayo wax soo saarka beeraha ee qaaradda.
Waxaa uu xusay in tani ay qayb ka tahay dadaallada socda ee lagu soo afjarayo gaajada guud ahaan Afrika.
Dr. Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in malaayiin qof oo ku nool Afrika aysan haysan cunto, taas oo muujinaysa sida degdegga ah ee ay dalalka Afrika ugu baahan yihiin in ay maalgashadaan kaabayaasha, hal-abuurka iyo tignoolajiyadda si looga gudbo caqabadaha jira.
Waxaa uu madaxweynaha sheegay inay muhiim tahay in la hirgeliyo istaraatiijiyad guud oo wadajir ah.
Madaxweynuhaha ayaa xusay in wadajirka uu yahay waddada ugu habboon ee kor loogu qaadi karo hab-nololeedyada, ilaalinta deegaanka iyo gudashada waajibaadka aasaasiga ah ee quudinta shacabka Afrika.
William Ruto ayaa hadalkan ka sheegay shir madaxeedka Midowga Afrika oo looga hadlay barnaamijka horumarinta beeraha Afrika oo ka furmay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sidoo kale ku boorriyay saaxiibbada caalamiga ah inay taageeraan ajendaha isbeddelka ee Afrika ee hubinta in kheyraadku uu gaaro meelaha baahida iyo saameynta ugu badan ay ka jirto.
Madaxweynaha ayaa sheegay in nidaamyada beeraha ay yihiin kuwa fure u ah helidda cunnada iyo nafaqeynta.
Ruto ayaa xusay in caqabadaha ay qaaradda wajaheysa ay isugu jiraan saameynta isbeddelka cimillada iyo xaalufinta deegaanka.