DHAGEYSO:War cusub oo ka soo kordhay kiiska labadii wiil ee dilay hooyadood

0
451

Taliska ciidanka booliiska Somaliland ayaa faahfaahin dheeraad ah maanta ka bixiyay dhacdo argagax leh oo ka dhacday deegaanka Habeedley ee hoostaga magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ka dib markii labo wiil oo ka mid ahaa dadka deegaanka la soo wariyay inay dileen hooyadood.
Marxuumadda oo da’ ahayd ayaa lagu magacaabi jiray Aamina Yuusuf Ismaaciil, waxaana dilka loo adeegsaday mindi dhowr meel looga dhuftay, sida uu shaaciyay booliiska.
Sarkaal u hadlay booliiska Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay xiran yihiin labada eedeysane, ayna baaristooda ku ogaadeen in 7 toorey lagu dhuftay hooyada.
Waxaa uu tilmaamay in goobta uu dilka ka dhacay ay kaliya ku sugnaayeen labada wiil iyo hooyadood.
Sarkaalka ayaa hoosta ka xarriiqay in kiiskan ay ku wareejin doonaan maxkamadda, si eedeysanayaasha loo horgeeyo sharciga, ka dibna tallaabo looga qaado.

Dhacdadan xanuunka badan ayaa dhalisay falcelin xooggan, waxaana aad looga hadal hayaa warbaahinta iyo sidoo kale baraha bulshada kuwada xiriirto.