Israa’iil oo in ka badan 10 qof ku xirtay Daanta Galbeed

0
408

Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa howlgallo ay ka fuliyeen Daanta Galbeed ee la haysto waxay ku soo xireen ugu yaraan 10 qof.
Wakaaladda wararka rasmiga ah ee dowladda Falastiin ee WAFA ayaa sidatan qortay.
Waxay WAFA soo tabisay in labo qof oo rag ah laga qabtay xerada qaxootiga ee Aqabat Jaber ee Koonfurta Jericho.
Waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Khaled Ezz el-Din iyo Adi Khalil Saeed Kamal oo lagu tilmaamay maxaabiis hore.
Sidoo kale , 5 ruux oo kale oo ay labo walaalo yihiin ayaa lagu xiray magaalada Hebron.
Labo qof oo kale ayaa laga soo qabtay magaalada Tuqu, ee Koonfurta Bari ee Bethlehem.
Ugu dambeyn hal ruux ayaa lagu xiray magaalada Silwad halka midka kalena uu yahay 19 sano jir ka soo jeeda tuulada al-Mughayyir.