Kooxo hubeysan oo u dhashay dalka Nigeria ayaa ugu yaraan 5 askari oo dhalasho ahaan ka soo jeeday waddanka Cameroon ku dishay tuulada Bakinjaw oo ku taalla xadka dalkaasi uu la wadaago Nigeria .
Dhacdadan ayaa ah iskudaygii ugu dambeeyay oo xiriir ah oo lagu doonayo in lagu qabsado dhulkaasi.
Aka Martin Tyoga, oo ah xildhibaan laga soo doorto degmada Akwaya ee koonfurta galbeed ee dalka Cameroon, oo ah halka uu weerarka ka dhacay, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay khasaaraha nafeed ee la soo tabiyay.
Boqollaal xoolo dhaqato ah oo ka soo jeeda qowmiyadda Fulani oo hubeysan ay ka soo tallaabay xadka gobolka Taraba ee Nigeria, si ay u weeraraan saldhig ciidan.
Xildhibaanka ayaa sheegay in falkan uu ahaa mid aargoosi ah ka dib markii ciidamada Cameroon ay dileen dhowr xoolo dhaqato ah maalin ka hor.
Agwa Linus oo ah oday dhaqameedka Bakinjaw ayaa dhankiisa sheegay in kooxda weerarka soo qaadday ay gubeen gurigiisa.