Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Busia ayaa wado baaritaanno ka dib markii la helay meydka nin la waayay Khamiistii la soo dhaafay.
Ninkan oo 53 sano jir ahaa ayaa ka soo jeeday tuulada Morkeyan ee deegaanka Bartamaha Teso.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in meydkiisa laga helay webi halkaasi ku yaalla.
Waxaa meydka Charles Oteba ka muuqda dhaawacyo iyadoo la rumeysan yahay in ninkan oo markii dad ugu war dambeysay daroogeysnaa uu isku dayay inuu ka gudbo webiga ka hor inta uunan quusan.