Waxaa uu qorshuhu yahay in 14-ka bisha Koowaad ee sanadka 2025-ka turxaan bixin lagu sameeyo saddex qof oo uu madaxweynaha dalka William Ruto dhawaan u soo magacaabay xilal wasiirnimo.
Guddiga baarlamaanka waddanka u qaabilsan ansixinta shakhsiyaadka loo soo magacaabo jagooyinka dowladeed ayaa fahdiyadiisa ku yeelan doono ismaamulka Nairobi.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday karaaniga golaha qaran ee xeer dejinta ,Samuel Njoroge.
Njoroge ayaa sheegay in maalinkaasi su’aallo la waydiin doono wasiirka magacaaban ee wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha Mutahi Kagwe, dhigiisa Isgaarsiinta William Kabogo iyo Lee Kinyanjui oo loo soo magacaabay wasiirka ganacsiga, maalgashiga iyo warshadaha.
Sidoo kale , safiirro, wakiillo sare iyo xubnaha guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ee la soo magacaabay ayaa iyagana la turxaan bixin doonaa 9-ka bisha Jannaayo.
Dadweynaha ayaa lagu boorriyay in ay soo gudbiyaan aragtidooda ku aaddan in dadka magacaaban ay u qalmaan qabashada xilalka loo soo igmaday iyo in kale.
Karaaniga baarlamaanka, Samuel Njoroge ayaa xusay in shacabka ay haystaan ilaa 5-ta galabnimo ee 3-da bisha Koowaad ee sanadka 2025-ka si warbixinnadooda loo guddoomo.