DHAGEYSO:Nin loo haysto inuu dilay labo xiddigle ka tirsanaa booliiska Galmudug oo gacanta lagu dhigay

0
336

Ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug ayaa gacanta ku soo dhigay nin loo haysto inuu xalay dil u gaystay labo xiddigle Xasan Quuri oo ahaa sarkaal ka tirsanaa booliiska Soomaaliya, qaybta degmada Galmudug.
Dilkaas ayaa xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, waxaana howlgal ay fuliyeen ciidamada amniga lagu soo qabtay ninkan.
Waxaa hadda ku socda baaritaan, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysa ciidamada howlgalkan fuliyay.
Sarkaalka ayaa la dilay xilli uu ku sugnaa xaafadda Horseed ee magaalada Dhuusamareeb.
Waxaa sidoo kale goobta ku dhaawacmay gabadh la joogtay sarkaalka.
Taliyaha saldhigga booliiska magaalada Dhuusamareeb Dhamme Nuur Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahiyay eedeysanayaal loo qabtay dilkii xalay loo gaystay Alle ha u naxariistee labo Xiddigle Xasan Quuri.

Dhanka kale, guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb Macallin Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa sheegay in mar haddii ciidanka ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen kuwii ku eedeysnaa dilka, in kaliya tallaabo laga qaadi doona cidii dambiga gaysatay.