Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa difaacay tallaabadii uu dhawaan xubno cusub ugu soo daray golihiisa wasiirrada halka uu xilalka ugu kala beddelay qaar ka mid ah kuwii sii shaqeynayay.
Waxaa uu sheegay in ujeeddada arrintan laga leeyahay ay tahay xoojinta midnimada iyo in qaranka isbeddel horumarineed loo horseedo.
Xilli uu munaasabad kaniiseed uga qayb galay ismaamulka Uasin Gishu ayuu sheegay in go’aankiisa uunan ahayn mid ku saleysan raadinta awood iyo saameyn siyaasadeed.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ay madaxweynaha ku dhaliileen in magacaabidda uu sameeyay uunan ku saleyn isu dheellitirka matalaadda gobollada iyo jinsiyadda.
Xubnaha uu dhawaan magacaabay waxaa ka mid ah wasiirkii hore ee caafimaadka Mutahi Kagwe(beeraha iyo xanaannada xoolaha ), barasaabkii hore ee ismaamulka Nakuru Lee Kinyanjui(Ganacsiga , warshadaha iyo maalgashiga ),dhigiisi Kiambu William Kabogo(Isgaarsiinta).
Dhanka kale madaxweyne Ruto oo difaacay waxqabadka maamulkiisa ee dhanka horumarka ayaa mar kale soo hadal qaaday qorshaha ay dowladdu sanadka cusub ku tallaalaysa xoolaha.
William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in ay ka go’an tahay inuu isbeddel sameeyo taasina aan laga hor istaagi karin.
Waxaa uu dhaliilay shakhsiyaadka arrintan ka soo horjeedo oo uu ku tilmaamay kuwo adeegsanaya siyaasad aan micno wayn lahayn.