78 dhallinyaro ah oo lagu xiray Kisumu

0
321

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Kisumu ayaa gacanta ku dhigay 78 dhallinyaro ah oo ku sugnaa guri ay munaasabad ka socotay.
Da’yarta ayaa lagu xiray xaafadda Mountain View Estate waxayna isugu jireen 68 wiil iyo 10 gabdhood oo ay dhammaan da’ooda ka hooseyso 18 sano.
Taliyaha booliiska ee bartamaha Kisumu Peter Mulai ayaa sheegay in dhallinyaradan lagu helay xashiish, sigaar iyo khaad.
Mulai ayaa xusay in ku dhawaad 100 dhallinyaro ah ay goobtaasi ku sugnaayeen balse qaar ka mid ah ay baxsadeen intii uu howlgalka socday.
Wiilasha iyo gabdhaha la xiray ayaa la geeyay saldhigga booliiska ee Obunga waxaana markii dambe lagu wareejiyay waalidiintooda.
Taliye Mulai ayaa waalidiinta ugu baaqay in xilli fasaxeedkan ay dugsiyada xiran yihiin ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa carruurtooda si aynan uga qayb gelin isku imaatinnada sharci darrada ah.