DHAGEYSO:Gachagua oo ku baaqay in wax laga qabto isticmaalka khamriga

0
75

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa dowladda ugu baaqay in ay la tacaasho isticmaalka khamriga sharci darrada ka ah gudaha waddanka.
Waxaa uu sheegay in daroogadan ay saameyn ba’an ku yeelatay dhallinyarada.
Xilli uu ku sugnaa deegaanka Naivasha ee ismaamulka Nakuru ayuu Gachagua xusay inuu hadda jiro dib u dhac ku yimid la dagaallanka isticmaalka balwadda marka loo barbardhigo xilligii uu xafiiska joogay oo uu arrintan la tacaalayay.
Sidoo kale , waxaa uu ku taliyay in dowladdu ay dhameystirto fulinta mashaariicda horumarineed.