In ka badan 20 qof oo lagu dilay dalka Mali

0
150

Dagaalyahaanno looga shakisan yahay inay jihaad doon yihiin ayaa in ka badan 20 qof ku dishay weerarro xiriir ah oo ka dhacay tuulooyin ku yaalla bartamaha gobolka Mopti ee dalka Mali.
Kooxahan oo aan la aqoonsan ayaa weerar ku qaaday oo gubay 6 tuulo oo ka tirsan deegaanka Bandiagara sida ay sheegeen ilo wareedyada.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyaadkan ay ku soo galeen tuulada kowaad mootooyin iyagoo gaystay dilal iyo burburin.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska militariga ee talada haya.
Dalka Mali oo ku yaalla Galbeedka qaaradda Afrika ayaa dagaal kula jira kooxo hubeysan oo xiriir la leh Al-Qaacidda.
Maleeshiyadkan ayaa ku faafay waddamo kale oo ka tirsan gobolka Saaxil ee Koonfurta saxaaraha Afrika, iyagoo qabsadeen dhulal halkaasi oo ay ku dileen kumanaan qof iyadoo malaayiin kalena ay ku barakiciyeen.