Waddada xiriirisa Nairobi iyo Nakuru oo qaab dhismeedkeeda laga dhigi doona labo qaybood sanadka 2025-ka

0
109

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shaaciyay in dowladdu ay sanadka soo socdo billaabi doonto in waddada xiriirisa ismaamullada Nairobi iyo Nakuru qaab dhismeedkeeda laga dhigo labo qaybood.
Tani ayuu tilmaamay in ay fududeyn doonto ciriiriga dhanka isku socodka gaadiidka ee waddadaasi wayn saameeya.
Waxaa uu intaasi ku daray in qorshaha dowladda uu yahay in waddadan la gaarsiiyo ilaa magaalada Malaba si loo dardargeliyo howlaha isku socodka iyo ganacsiga.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii gaadiidleyda iyo rakaabka ay cabashooyin ka muujiyeen in ciriiri ka jiray waddadaasi awgeed ay saacado badan ku qaadatay in ay gaaraan meelihii ay u safrayeen xilli fasaxeedkan.