2 qof oo ku dhintay shil ka dhacay waddada u dhexeysa Kisumu iyo Kisii

0
38

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada labo ruux ka dib shil galinkii dambe ee shalay ka dhacay aagga Onyuongo ee degmada Nyakach ee waddada xiriirisa ismaamullada Kisumu iyo Kisii .
Waxaa isku dhacay baskili iyo baabuur si gaar ah loo leeyahay.
Qofkii baskiliga kaxeynayay iyo rakaab uu siday ayaa isla goobta ku geeriyooday halka ay shilkaasi ka badbaadeen dadkii baabuurka saarnaa.
Laba qof ee geeriyooday ayaa meydadkooda la geeyay goobta meydadka ee isbitaalka degmada Pap Onditi ee ismaamulka Kisumu iyadoo gaariga loo jiiday saldhigga booliiska ee Katito.
Laamaha ammaanka ayaa sheegay in ay guda galeen baaritaan lagu xaqiijinaya sababtii uu shilkaasi u dhacay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo walaac laga muujinaya dhacdooyinka shilalka ee sare u kaca xilli fasaxeedka Christmas.
Waxaa sanad kasta gudaha dalka Kenya shil ugu geeriyooda in ka badan 4,000 oo ruux waxayna ciidamada ammaanka arrintan u aaneeyaan gaadiidka oo si aan taxaddar lahayn loo kaxeeyo