Booliiska ismaamulka Homa Bay ayaa gacanta ku soo dhigay 7 qof oo ka shaqeynayay maqaaxi ku taalla magaalada Homa Bay ka dib markii uu geeriyooday arday dhiganayay jaamacadda Tom Mboya .
Toddobada ruux ayaa lagu kala magacaabaa Jacob Okeyo Omollo, Baraka Odhiambo Jude, Monica Atieno, David Ochieng, Arnoder Atieno, Kennedy Ouma Otieno iyo Pamela Onyango Otieno.
Saraakiisha ammaanka ayaa eedeysanayaasha soo xiray ka dib markii lagu soo wargeliyay in Paul Sunday lagu dhaawacay ka dibna lagu dhex xiray gudaha maqaaxida Dalawa ee ku taalla Homa Bay.
Ciidamada ayaa dhibbanaha u qaaday isbitaalka guud ee Homa Bay halkaas oo uu ku geeriyooday xilli laga daaweynayay dhaawicii soo gaaray.
Eedeysanayaasha toddobada ah ee la qabtay ayaa xabsiga ku sii jiri doono ilaa berri oo lagu wado in maxkamadda ay ka soo hormuuqdaan.
Booliiska ayaa sheegay in ay socdaan baaritaanno ku aaddan dhacdadan.