Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah ayaa ku baaqay in si gaar ah loogu duceeyo golaha qaran ee xeer dejinta.
Waxaa uu xusay in tani ay tahay sifeyn ka dib tallaabadii bishii 6-aad ee sanadkan ay dibadbaxayaasha gudaha ugu galeen baarlamaanka taasi oo falcelintii xigtay uu dhiig ku daatay.
Xilli uu ku sugnaa magaalada Muhoroni ee ismaamulka Kisumu ayuu Ichung’wah carrabka ku adkeeyay inuu qorshahan la wadaagi doono guddoomiyaha baarlamaanka waddanka Moses Wetangula.
Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in la duceeyo si looga hortaggo dhacdadii 25-kii bishii Lixaad oo kale.
Kimani Ichung’wah ayaa shaaca ka qaaday in dhowr ka mid ah hoggaamiyaasha kaniisadaha ay horay u codsadeen in la qabto munaasabado duco oo ku saabsan dib u soo kabasho iyo xoojinta midnimada qaranka.
Waxaa uu dhanka kale qaar ka mid ah madaxda kaniisadaha ku eedeeyay in ay siyaasadda ku milmeen xilligii dibadbaxyadii looga soo horjeeday dowladda ee sanadkan.
Ichung’wah ayaa sidoo kale ugu baaqay waalidiinta inay xil wayn iska saaraan sidii ay u hagi lahaayeen carruurtooda isagoo cambaareeyay luuqadda iyo hab-dhaqanka lagu soo bandhigay mudaaharaadyadii dhacay sanadkan.