Guddiga xuquuqul aadanaha oo madaxweynaha dalka ku dhaliilay magacaabid uu sameeyay

0
141

Guddiga xuquuqul aadanaha ee dalka ee (KHRC) ayaa madaxweynaha waddanka William Ruto ku dhaliilay magacaabidda shakhsiyaad uu dhawaan ku soo daray golihiisa wasiirrada.
Guddigan ayaa hoosta ka xarriiqay in tani ay liddi ku tahay xeerarka dastuuriga ah gaar ahaan isku dheellitirka matalaadda qowmiyadeed iyo jinsiyadda.
KHRC ayaa bayaan ku sheegtay in madaxweynaha uu sii xoojiyay takoorka goboleed iyo jinsiyadeed in kastoo uu isku dayaya inuu golihiisa wasiirrada siyaasad ahaan dheellitiro.
Waxaa uu guddigan hoosta ka xarriiqay in boqolkiiba 35 ee xubnaha golaha wasiirrada ay noqonayaan kuwo ka soo jeeda gobolka bartamaha Kenya haddii baarlamaanka uu ansixiyo magacaabidda Mutahi Kagwe, William Kabogo iyo Lee Kinyanjui.
Dhanka kale guddiga qaran ee jinsiyadda iyo sinnaanta ee (NGEC) iyo guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee (NCIC) ayaa lagu boorriyay in ay dowladda kula xisaabtamaan ka tallaabsashada arrimaha dastuuriga ah.