DHAGEYSO:Puntland oo sameysaneysa lacag u gaar ah sida uu ku dhawaaqay madaxweyne Deni

0
248

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta shaaciyay in Puntland ay yeelan doonto lacag u gaar ah sanadka cusub ee 2025-ka.
Waxaa uu sheegay in qorshahan uu yahay mid muhiim ah oo loogu talagalay in lagu xoojiyo dhaqaalaha Puntland, maadaama sida uu sheegay aan rajo laga qabin in la helo lacag Shilin Soomaali ah oo mideysan.
Madaxweyne Deni ayaa intaasi ku daray in ay socoto daraasado cusub oo ku saabsan sameynta lacagta Puntland, isagoo sheegay in lacagtaasi ay mustaqbalka si habboon ula jaan qaadi doonto nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya.

Deegaanada Puntland ayaa haatan laga isticmaalaa lacagta doolarka Maraykanka iyo lacagaha danabaysan ee shirkadaha isgaarsiinta.
Sanadkii 2021-kii ayay ahayd markii Puntland uu ka istaagtay shilinka Soomaaliga.
Sababa ugu weyn ee uu istaagay shilin Soomaaliga ayaa ahayd markii madaxweyne Deni uu soo saaray amar lagu joojinayo in canshuurta dekedda Bosaso lagu qaado shilin Soomaali.
Go’aankaasi ayaa sababay in ganacsataduna diideen shilin Soomaaliga.
Dadaalo badan oo loo galay in la soo celiyo shilin isticmaalka Soomaaliga ayaa fashilmmay.