Madaxweynah dalka William Ruto ayaa waalidiinta ku boorriyay in ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa carruurtooda si ay u ogaadaan waxa ay sameynayaan.
Waxaa uu waalidiinta ka codsaday inay mas’uul ka noqdaan dhaqanka carruurtooda.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in dowladda aysan beddeli karin hab dhaqanka carruurta haddii aysan waalidiinta mas’uuliyad iska saarin.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay dalka ku soo bateen falal dambiyeedyada ay dhallinyarada gaystaan sida dilalka haweenka iyo gabdhaha.