Ra’yi uruurin ay sameysay shirkadda daraasaadka ee Politrack Africa ayay daaha ka qaadday in boqolkiiba 62.1 kenyaanka ay aaminsan yihiin in madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki uu yahay hoggaamiyaha ugu habboon ee matali kara danaha shacabka ee gobolka bartamaha dalka.
Kindiki ayaa hoggaaminaya qiimeyntan, waxaana ku soo xiga xildhibaanka deegaanka Kiharu Ndindi Nyoro oo helay boqolkiiba 17.7, halka madaxweyne ku xigeenkii hore dalka ee xilka laga xayuubiyay Rigathi Gachagua uu galay kaalinta saddexaad isagoo helay boqolkiiba 9.1.
Ra’yi uruurintan ayaa la sameeyay intii u dhexeysay 9-kii ilaa 13-kii bishii hore.
Waxaa liiskan afaraad soo gashay barasaabka ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru iyadoo heshay boqolkiiba 6.2, waxaana soo raaca hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah oo helay boqolkiiba 3.1.
Daraasaadkan waxaa su’aallo lagu waydiiyay 3,211 qof oo ku kala sugan 47-da ismaamul ee uu waddanka ka kooban yahay.
Ra’yi uruurinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in boqolkiiba 63.4 dadka kenyaanka ah ay kalsooni xooggan ka muujiyeen in Kindiki uu ka soo bixi karo mas’uuliyadda loo igmaday, halka boqolkiiba 2.3 ay saluug ka muujiyeen waxqabadkiisa.