QM oo sheegtay in dagaalka Syria uunan weli dhammaan

0
84

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Syria ayaa sheegay in dagaalka ka taagan waddankaasi uunan weli soo afjarmin in kastoo dagaalyahaannada mucaaradka ay xilka kala wareegeen madaxweyne Bashaar Al-Assad.
Ergeygan ayaa sheegay in labadii toddobaad ee u dambeeysay in ay taagnaayeen isku dhacyo u dhexeeyay kooxaha hubaysan ee Turkiga uu taageero iyo dagaalyahaannada Kurdiyiinta ee Waqooyiga dalkaas.
Geir Pedersen ayaa golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC u sheegay in colaad ay jirtay ka hor inta aan heshiis xabbad joojin ah la gaarin.
Waxaa uu ka digay in dhibaato wayn ay abuuri karto xiisad militari oo sii kororta.
Dhanka kale, xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa bayaan ay soo saareen ku baaqay in la dhaqangaliyo hannaan siyaasadeed oo ay hoggaamiyaan ayna leeyihin Suuriyiinta.
Xubnaha Golaha UNSC ayaa intaas ku daray in hanaankan u buuxiyo dhammaan sharciyada ah in la ilaaliyo Suuriyiinta uuna awood u siinayo inay si nabad ah, si madax-bannaan iyo si dimuqraadi ah u go’aamiyaan mustaqbalkooda.
Dhanka kale , afhayeenka waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Matthew Miller ayaa sheegay in heshiiska xabbad joojinta ee Waqooyiga Syria uu sii shaqeyn doono ilaa dhammaadka toddobaadkan.
Waxaa uu xusay in aynan cidna dani ugu jirin in colaadda ka taagan dalkaasi ay sii daba dheeraato.