Qof looga shakisan yahay fal afduub ah oo dhacay ayaa lagu wadaa in maanta uu maxkamadda ka soo hormuuqdo.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in Frankline Otieno Odhiambo oo 28 sano jir ah laga soo xiray aagga Mirema oo ka tirsan deegaanka Kasarani ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa lala soo eedeyay Carol iyo Adan iyadoo tuhmaneyaasha ay bartilmaameedsadeen dhibbane kenyaan ah oo uu sinjigiisu yahay Hindiya.
DCI-da ayaa sheegtay in falkan uu qayb ka yahay xeelad cusub oo dadka looga qaato lacago baad oo madax furasho ah si ay xurriyaddooda u helaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhibbanaha la geeyay guri isagoo loo sheegaya inuu kulan ganacsi la yeelanaya eedeysane Carol.
Hasa ahaate , waxaa durbaba gurigaasi soo galay tuhmaneyaasha kala ah Otieno iyo Adan iyagoo qofka ku eedeyay inuu ku kacay dembiyo waxba kama jiraan ah.
Waxay ku qasbeen inuu la wadaago lambarka lagala xiriiraya qoyskiisa iyagoo dalbaday lacag madax furasho ah si ay u siidaayaan.
Xubnaha qoyska qofka la afduubtay ayaa waxaa u suurtagashay in ay soo uruuriyaan 310,000 oo shilin oo horumaris ah ka hor inta aynan dhacdadaasi ku wargelin saraakiisha saldhigyada booliiska ee xaafadaha Parklands iyo Kabati .
Ciidamada booliiska ayaa markii dambe xiray Otieno waxayna saraakiishu heleen taleefoonkii laga wacay qoyska dhibbanaha .
Waxaa weli socdo dadaallada lagu soo xiraya eedeysaneyaasha kala ah Carol iyo Adan.