Xoghayaha guud ee dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee (COTU) Francis Atwoli ayaa dhaliil u jeediyay barasaabyada ismaamullada Nairobi iyo Mombasa ee kala ah Johnson Sakaja iyo Cabdulswamad Shariif Nassir.
Waxaa uu sida uu hadalka u dhigay tilmaamy in dowlad deegaannada Nairobi iyo Mombasa ay yihiin magaalooyinka ugu wasakhda badan gobolka Bariga Afrika.
Atwoli ayaa rajo xumo ka muujiyay hoggaanka ismaamullada Nairobi iyo Mombasa.
Waxaa uu xusay in xaaladda wasakhda ah iyo bilicda oo hooseyso ee labada magaalo ay meesha ka saartay kalsoonidii uu ku qabay labada hoggaamiye ee Johnson Sakaja iyo Cabdulswamad Shariif Nassir.
Francis Atwoli ayaa intaasi ku daray in ismaamullada Kisumu iyo Kilifi ay yihiin magaalooyinka ugu nadiifsan uguna bilicda wanaagsan waddanka.
Waxaa uu tilmaamay in dowlad deegaannadan ay ku dadaaleen maareynta wasakhda iyo nidaamyada taraafikada oo wanaagsan.
Xoghayaha guud ee dalladda COTU Francis Atwoli ayaa hoosta ka xarriiqay in waddooyinka oo nadiif ah ay tahay arrin muhiim ah oo gacan ka gaysata bilicda iyo horumarka qaranka.