Kooxda mucaaradka ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS) ee afgembisay madaxweynihii dalka Syria Bashaar Al-Assad ayaa Maxamad Al-Bashiir u magacawday inuu noqdo Ra’iisul Wasaaraha ku meel gaarka ah ee Syria.
Al-Bashiir, oo horay u soo noqday Ra’iisul Wasaarihii Xukuumadda badbaadinta Syria ee fadhigeedu yahay Idlib ayaa ah Injineer Suuriyaan ah.
Maxamad oo noqonaya Ra’iisul Wasaaraha 70-aad ee dalka Syria ayaa hoggaamin doono dowladda ku meel garka ee waddankaasi.
Bashar Al-Assad oo ahaa madaxweynihii 19-aad ee dalkaasi muddo dhan 24 sano ayaa Axaddii xilka laga tuuray.