Madaale oo xilka laga qaaday iyo guddoomiye cusub oo loo magacaabay gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho

0
315

Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa caasimadda Muqdisho u magacaabay Maxamad Axmad Amiir oo ah aqoonyahan ka soo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta.
Waxaa uu madaxweynaha faray guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Iyo duqa Muqdisho in uu sii dhammeystiro qorshayaasha horumarineed ee caasimadda, isaga oo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada, gaarsiinta bulshada caasimadda doorasho dadweyne, sare u qaadista bilicda caasimadda, baahinta adeegyada aas-aasiga ah iyo adkeynta amniga.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamad Axmad Amiir, in uu Eebe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo howlkarnimo leh ugu adeeggo bulshada Soomaaliyeed.
Xeerkan madaxweyne ee lagu magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqangalay saxiixa madaxweynaha Soomaaliya ee maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay maalin Talaado ah, 10-ka bisha 12-aad ee Diseembar ee sanadka 2024-ka