DHAGEYSO:Gachagua oo beeniyay in carruurtiisa ay iibsadeen huteel ku yaalla seeraha qaran ee Aberdare

0
67

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa beeniyay in carruurtiisa ay iibsadeen huteelka caanka ah ee TreeTops ee ku yaalla seeraha qaran ee Aberdare National Park ee ismaamulka Nyeri.
Gachagua ayaa caddeeyay in carruurtiisa, Kelvin iyo Keith aysan wax ganacsi ah la sameynin dowladda, taa beddelkeedana ay kireysteen huteelkaasi.
Waxaa uu intaasi ku daray in xaruntaasi ay ka kireysteen waaxda adeegga duurjoogta ee dalka ee KWS.
Ku xigeenka madaxwenaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in qoyskiisa ay huteelkaasi ay ka shaqaaleysiiyeen 54 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here