DHAGEYSO:Wasaaradda caafimaadka oo maanta si rasmi ah u daahfurtay caymiska cusub ee SHA

0
237

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay maamulka caafimaadka bulshada ee (SHA).
Waxaa caymiskan cusub dhammaan laga hirgelinaya ismaamullada waddanka.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda kenyaanka iska diiwaangeliyay hannaanka caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee (SHIF) ay gaarayaan 2.3 milyan oo qof.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Deborah Barasa ayaa dadweynaha ka codsatay inay isku diiwangeliyaan caymiska cusub ee caafimaadka oo lagu beddelay NHIF.
Mid ka mid ah saraakiisha maamulka caafimaadka bulshada ee (SHA) ayaa kenyaanka la wadaagay qaabka ay isku diiwaangelin karaan.