Muqdisho: Gabadh 5 sano jir ah oo laga soo tuuray dabaq 5 biyaano ah oo geeriyootay

0
98

Gabadh yar oo lagu magacaabi jiray Maryan Mahad Cadow oo jirtay 5 sano ayaa u geeriyootay dhaawac culus oo ka soo gaaray dabaq 5 biyaano ah oo shalay laga soo tuuray, kaas oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.
Ehellada gabadha yar ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in gabadhooda saaka u geeriyootay dhaawacii darnaa ee shalay ka soo gaaray dabaqa laga soo tuuray.
Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in gabadha yar laga soo tuuro dabaqa, waxaana aabaha iyo hooyada dhalay gabadha yar ay dalbadeen in cadaalad u helaan kiiska gabadhooda.
Majirto wali wax war ah oo ka soo baxay dhanka hay’adaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan dhacdada gabadha yar looga soo tuuray dabaqa oo ah mid si weyn uga argagaxeen dadka ku nool degmada Cabdicasiis.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in gabadha yar marka dabaqa laga soo tuurayay ay ka timid dugsi Quraan oo ay ku sii jeeday gurigooda, waxaana hooyada dhashay gabadhada yar ay sheegtay in dabaqa laga soo tuuray gabadheeda uu deggan yahay sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda.
Dhacdadaan ayaa ah mid saacadahii la soo dhaafay si weyn u hadal hayaan dadka ku nool magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Cabdicasiis iyo degmooyinka ku xeeran, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in la xiray dad ku eedeysan kiiska gabadha yar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here