Waaxda adeegyada qaxootiga ee DRS ayaa soo saartay amar ku aaddan in dhammaan qaxootiga iyo magangelyo doonka ee ku sugan Kenya in ay soo wareejiyaan baasaboorrada dalalka ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan muddo 30 cisho gudaheed.
Arrintan ayaa timid ka dib markii walaac laga muujiyay qaar ka mid ah dadka qaxootiga ah oo isticmaalaya baasaboorradaasi si ay ugu safraan dalka dibaddiisa, taasoo ka hor imaaneysa shuruucda caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.
Wakiilka hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ee Kenya Caroline Van Buren ayaa sheegtay in qaxootiga ay xaq u leeyihiin in la siiyo dukumentiyada madaniga ah, aqoonsiga iyo kuwa socdaalka ee uu mashinka aqriyo ee loo yaqaano (CTDs).
Hasa ahaate qaxootiga waxaa ka mamnuuc ah in dokumentiyadaasi ay ugu safraan dalalalka ay ka soo jeedaan.
Wakiilka UNHCR ayaa ku nuuxnuuxsatay in haysashada iyo isticmaalka baasaboorka waddanka dhalasho ahaan uu ka soo jeeda qofka magangelyo doonka ama qaxootiga ah ay hadda mamnuuc tahay.
Waxay hoosta ka xarriiqday in qof kasta oo qaxooti ah ama magangalyo doon ah laga doonaya inuu u hoggaansamo shuruucda la dejiyay.
Caroline Van Buren ayaa ka digtay in ku xadgudubka shuruucda la dejiyay ay ka dhalan karto in Kenya laga tirxiilo qofka magangelyo doonka ama qaxootiga ah.
Waxaa ay carrabka ku adkeysay sida ay uga go’an tahay waaxda adeegyada qaxootiga ee DRS ilaalinta wanaagga qaxootiga iyo magangelyo doonka Kenya.