Sii hayaha xilka taliyaha guud ee booliiska oo sharraxay sababata ilaalada loogala laabtay garsoore Lawrence Mugambi

0
346

Sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Mr.Gilbert Masenegli ayaa sharraxay sababtii lagala laabtay ciidamadii ilaalada u ahaa garsoore Lawrence Mugambi.
Waxaa uu sheegay in labo sarkaal oo ahaa ilaalada garsooraaha loo yeeray si ay uga qayb galaan tababar muhiim.
Mr. Masenegeli ayaa intaasi ku daray in la sameeyay tallaabooyin lagama maarmaan ah si loo xaqiijiyo amniga garsoore Lawrence Mugambi.
Waxaa uu sheegay in booliiska ay ka go’an tahay inuu la shaqeeyo hay’adaha kala duwan ee waaxda garsoorka ee dalka.
Masenegeli ayaa ku celceliyay in adeegga qaran booliiska waddanka ee NPS ay ka go’an tahay ilaalinta sharciga iyo xaqiijinta badqabka Kenyaanka.
Shalay ayay ahayd markii madaxa cadaalada ee dalka garsoore Martha Koome ay sheegtay in ciidamadii ilaaalada u ahaa garsooraha maxkamadda sare Lawrence Mugambi lagala laabtay.
Waxay waaxda qaran ee adeegga booliiska dalka ee NPS ugu baaqday inay garsooraha u soo celiso ilaaladiisa.
Arrintan ayaa timid maalmo un ka dib markii garsoore Lawrence Mugambi uu xukun xabsi oo 6 bilood ah ku riday sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska Kenya Mr. Gilbert Masengeli.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu helay dafiraadda amarro maxkamadeed maadaama loo yeeray ilaa toddobo mar oo uunan maxkamadda ka soo hormuuqan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here