Faahfaahin ku saabsan baaxadda khasaaraha ka dhashay qalabkii isgaarsiineed ee lagu qarxiyay Lebanon

0
370

Ururka Xisbullaah ee dalka Lebanon ayaa sheegay in maamulka Israa’iil uu si buuxda mas’uul uga yahay dhimashada ugu yaraan sagaal qof iyo dhaawaca ku dhawaad saddex kun oo kale, ka dib marki ay hal mar wada qarxeen aaladda Pagers-ka oo ah qalab isgaarsiineed oo lagu wada xariiro, farriimahana is isugu gudbiyo.
200 oo ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa xaaladooda lagu tilmaamay mid halis ah, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka guud ee Lebanon Firass Abiad.
Waxay Xisbullaah weerarkan ku tilmaamay mid gardarro ah, iyadoo ballan qaadday inay aargoosi sameyn doonaan.
Safiirka dowladda Iiraan ee Lebanon Mojtaba Amani ayaa ka mid ah dadka dhaawacmay.
Qalab isgaarsiineed oo ay adeegsadaan kooxda Xisbullaah ayaa isku mar ku qarxay guud ahaan Lebanon gelinkii dambe ee shalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here