DHAGEYSO:Guddoomiyaha Kakamega oo ka hadlay caqabadda dhaqaale ee ay wajahayaan

0
347

Barasaabka ismaamulka Kakamega ahna guddoomiyaha guddiga qaabilsan arrimaha maaliyadda, qorsheynta iyo dhaqaalaha ee golaha barasaabyada waddanka ee (COG) Fernandes Barasa ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda ee dalka aynan weli soo saarin in ka badan 90 bilyan oo shilin.
Lacagahan ayaa la doonayay in dowladda dhexe ay ismaamullada ku wareejiso bilihii 7-aad, 8-aad ee iyo bishan Sagaalaad ee sanadkan.
Guddoomiyaha Kakamega ayaa sheegay in saddexdii bilood ee ugu dambeeyay uu jiray dib u dhac dhanka bixinta lacagaha ismaamullada ah.
Waxaa uu wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka ugu baaqay inay dadajiso diridda lacagaha dowladaha ismaamullada.
Barasaabka ismaamulka Kakamega ayaa hoosta ka xarriiqay in laga doonaya inay bixiyaan deymaha ay qandaraasleyda ku leeyihiin dowlad deegaannada balse ay wajahayaan xaalad dhaqaale oo adag maadaama aynan dowladda sare bixin ilaa 90 bilyan oo shilin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here