Madaxweynaha dalka oo magacaabay taliyaha guud ciidanka booliiska

0
215

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa Douglas Kanja Kirocho u magacaabay taliyaha guud ee ciidanka booliiska waddanka.
Qoraal lagu soo daabacay wargeyska rasmiga ee dowladda oo ku taariikheysan 19-kii bishan Sagalaad ayaa muujinaya in Douglas uu jagadan hayn doono muddo 4 sano ah, islamarkaana maanta xilkan loo dhaariyay.
Shalay ayay ahayd markii xildhibaannada baarlamaanka ay si aqlabiyad leh u ansixiyeen magacaabidda Douglas Kanja.
Waxaa uu hadda si rasmi ah u beddelaya Japhet Koome oo xilkan iska casilay bishii Toddobaad ee sanadkan.
Ka hor inta uunan Kanja noqon taliyaha guud ciidanka booliiska waxaa uu ahaa taliye ku xigeenkii booliiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here