236 qof oo ku dhintay duufaanta Yagi ee Myanmar

0
269

Ugu yaraan 236 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen duufaanta xooggan ee Yagi iyo daadadka saameeyay gobollo badan oo ka tirsan dalka Myanmar.
Waxaa la la’yahay 77 ruux oo kale iyadoo ay dhaawacyo badan jiraan.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee (OCHA) ayaa tilmaamay in khasaaruhu uu intaasi ka sii badan karo.
OCHA ayaa intaasi ku dartay in duufaanta iyo daadadka ka dhashay ay saameyn ka soo gaartay 631,000 oo qof.
Duufaanta Yagi ayaa lagu tilmaamay midii ugu darnayd taas oo sidoo kale saameysay koonfurta dalka Shiinaha, Vietnam iyo Laos.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here