Shaqaalaha duullimaadka dalka oo hakiyay shaqo joojin u qorsheysnayd

0
191

Ururka ay ku mideysan yihiin shaqaalaha waaxda duullimaadka dalka ee (KAWU) ayaa hakiyay shaqo joojin uu horay u sheegay inuu ku dhaqaaqaya.
Shaqo joojintan ayaa dib loo dhigay muddo labo isbuuc ah si looga wada hadlo heshiiska dhex maray gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi iyo shirkadda Adani ee laga leeyahay India.
Waxay cabasho ka muujinayaan qorsho la sheegay in garoonkan looga iibinaya shirkaddan taasi oo ay dowladdu beenisay kuna tilmaantay is-afgarad lagu ballaarinaya JKIA.
Ururka KAWU ayaa heshiiskan ka soo horjeestay wuxuuna u aaneeyay in uu horseedi karo shaqo la’aan soo wajahdo kenyaanka oo ay taasi beddelkeeda fursado shaqo helaan ajaaniib.
Xoghayaha guud ee ururka ay ku mideysan yihiin shaqaalaha waaxda duullimaadka dalka ee KAWU Moses Ndiema ayaa shaaciyay go’aanka ay dib ugu dhigeen shaqo joojintii ay horay ugu hanjabeen.
Waxaa uu xusay in ay tixgeliyeen codsi uu u jeediyay wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada Dr. Alfred Mutua oo ay Arbacadii la kulmeen.
Ndiema ayaa intaasi ku daray in ay casuumaad ka heleen wasiirka gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka Davis Chirchir si looga wada hadlo tabashooyinkooda.
Ururka KAWU ayaa ku adkeysanaya in maamulka maareeya garoomada diyaaradaha ee KAA uu haysto raasimaal ku filan oo lagu dayactiri karo garoonka diyaaradaha ee JKIA sidaasi awgeedna aynan jirin baahi keenaysa in howshan qandaraas lagu siiyo shirkad si gaar ah loo leeyahay.
Xoghayaha Guud ee ururka shaqaalaha waaxda duullimaadka dalka ee KAWU Moses Ndiema ayaa wacad ku maray in haddii kulamadan aynan miro-dhal noqon ay soo saari doonaan wargelin kale oo la xiriirta shaqo joojin ay guda galayaan xubnaha ururka uu hoggaamiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here