DHAGEYSO:Faahfaahin ku saabsan maalgelinta tacliinta sare ee dalka

0
186

Dowladda sare ee dalka ayaa taageerada ay siinaysa ardayda ku biiraya jaamacadaha iyo machadyada lagu barto farsamada ku saleysay awoodda dhaqaale ee qoysaska ay ardaydan ka soo jeedaan iyadoo maalgelintan loo qaybiyay heerar kala duwan.
Waxaa heerarkan ka mid ah qoysaska uu bishiiba soo galo dakhli ah 5,995 oo shilin.
Dowladda ayaa ardaydan siinaysa deeq waxbarasho oo ah boqolkiiba 70.
Boqolkiiba 25 ee qarashaadka waxbarashada waxaa looga bixinaya qaab amaah lacageed ah tani oo taageerada guud ee ay helayaan ka dhigaysa boqolkiiba 95.
Qoyska uu ardaygan ka soo jeedo ayaa bixinaya boqolkiiba 5 ee qarashaadka tacliinta sare.
Heerka labaad ayaa ah ardayda ka soo jeedo qoysaska uu bishiiba soo galo dakhli dhan 23,670 oo shilin waxayna dowladda siinaysa deeq waxbarasho oo ah boqolkiiba 60, amaah lacageed oo ah boqolkiiba 30 halka qoyska uu bixinaya boqolkiiba 10.
Heerarka kale ee ardayda looga bixinaya qarashaadka jaamacadaha iyo machadyada farsamada ayaa kala ah in qoysaskoodu uu bishiiba soo galo dakhli ah 70,000 oo shilin,120,000 oo shilin iyo wax ka badan .
Waxay tani imaanaysa iyadoo qaar ka mid ah ardayda la doonaya in ay jaamacadaha ku biiraan ee ka soo jeedo qoysaska danyarta ah ay walaac ka muujinayaan caqabado dhaqaale oo haysta.
Ardaydan waxaa ka mid ah Josiah Ongachi oo ku nool ismaamulka Kisii oo natiijadii imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da ka soo hooyay buundada ugu sarreysa ee A Plain.
Josiah Ongachi oo ka soo jeedo qoys sabool ah ayaa samafalayaasha ugu baaqay in ay ka caawiyaan sidii uu ugu biiri lahaa jaamacadda.
Waalidiintiisa oo kala ah Stephen Ongachi iyo Anna Maritim ayaa warbaahinta la wadaagay culeysyada ay wajahayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here