DHAGEYSO:Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Azimio oo baaq u diray waaxda garsoorka

0
305

Qaar ka mid ah hoggaamiyaasha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ayaa waaxda garsoorka ee dalka ku boorriyay in ay si adag uga soo horjeedsato qorsho ay sheegeen in dib loogu soo celinaya hindise sharciyeedkii maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024 ee dhinac la iskaga dhigay.
Waxaa baaqan diray siyaasiyiinta uu ka midka yahay madaxa xisbiga DAP -K Eugene Wamalwa.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa horay u diiday inuu qalinka ku duugo hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan oo uu baarlamaanka ansixiyay ka dib markii ay dhaceen dibadbaxyo waawayn oo looga soo horjeeday.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka John Mbadi ayaa dhankiisa sheegay in ay diyaarinayaan hindise sharciyeed ay dowladdu ku doonaysa in ay hesho dakhli dhan 150 bilyan oo shilin iyadoo si gaar ah loo canshuuraya waxyaabaha saameynaya deegaanka.
Guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee baarlamaanka ahna xildhibaanka deegaanka Molo ee ismaamulka Nakuru Kimani Kuria ayaa dhankiisa sheegay in ay sugayaan hindisaha ay dowladdu u soo bandhigi doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here