Maamulka KEMSA oo iska fogeeyay eedeyn uga timid hanti dhowraha guud ee dalka

0
247

Maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaadka ee KEMSA ayaa gaashaanka u daruuray eedeyn uga timid xafiiska hanti dhowraha guud ee waddanka.
Eedeyntan ayaa ahayd in KEMSA ay ku xadgudubtay xeerar dhowr ah taasi oo sababtay in la lunsaday lacagaha dadweynaha.
Hasa ahaate, KEMSA ayaa bayaan ay soo saartay ku xustay in warbixinnada tilmaamaya in sanad maaliyadeedkii hore la lunsaday balaayiin shilin ay yihiin kuwo aan sax ahayn oo shacabka marin habaabinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here