Haweeney loo xiray dil dhawaan xaafadda Islii loogu gaystay wiil soomaali ah

0
654

Waxaa lagu soo warramayaa in haweeney la xiray iyadoo afar qof oo kale ay ciidamda su’aalo weydiiyeen ka dib dilkii habeeenimada Sabtida soo galeysay loo gaystay Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ibraahim oo 25 sano jir ahaa.
Haweeneyda la xiray ayaa la sheegay in habeenkii uu dilka dhacay ay la taagnayd wiilka dhallinyarada ee laga takhalusay.
Afhayeenka booliiska dalka Dr. Resila Atieno Onyango ayaa sheegtay in eedeysanaha ugu muhiimsan ee dilka gaystay lagu raadjooga.
Xilligii wiilkan dhallinyarada ah la dilayay waxaa uu isaga iyo haweeneyda la xiray hor taagnaayeen albaabka laga galo dabaqa ama dhismaha DD Plaza ee ku yaalla waddada 12-aad ee xaafadda Islii, halkaas oo ay ku sheekeysanayeen.
Muddooyiinkii la soo dhaafay, xaafadda Islii ee magaalada Nairobi waxaa ku soo badanayay dilalka sharci darrada ah taas oo cabsi ku abuurtay dadka deegaanka.