Dowladda oo billowday isbedello lagu sameynaya gagida JKIA si loo fududeeeya ciriiriga dhanka rakaabka

0
346

Dowladda dhexe ayaa sheegtay inay la billaabay isbedello dib u habeyn ah oo lagu sameynaya gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi si loo fududeeeya ciriiriga dhanka rakaabka.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka John Mbadi ayaa tilmaamay in dib u habeyntu ay horseedi doonto adeegyo aan kala go’ lahayn oo hufan, si rakaabka doonaya in ay u safraan dalka dibaddiisa iyo kuwa waddanka imaanaya ay helaan adeegyo wanaagsan.
Gagida JKIA waa mid ka mid ah saddexda garoon ee diyaaradeed ee Kenya laga soo galo, iyadoo labada kale ay yihiin garoonka caalamiga ah ee Moi oo ku yaalla magaalo xeebeedka Mombasa iyo midka Kisumu.
Dalxiisayaasha Kenya imaanaya ayaa intooda badan waxay ka soo degaan gagida JKIA.
Waaxda qaran ee qaabilsan kaydinta macluumaadka ee KNBS ayaa laga soo xigtay in saddexdii bilood ee ugu horreysay ee sanadkan ay dalka soo gaareen 752,719 oo dalxiisayaal ah.
343,555 oo dalxiisayaashan ka mid ah ayaa ka soo degay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi, halka 409,164 ay soo mareen labada garoon diyaaradeed ee ku yaalla Mombasa iyo Kisumu.