Waxaa lagu soo warramayaa inuu xilkii uu hayay iska casilay guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Homa Bay Julius Gaya.
Is casilaaddiisa ayaa ku soo beegantay saacado ka hor inta aynan wakiillada golaha hoose ee dowlad deegaankaasi ay galabta ka doodin mooshin xilka looga qaadi lahaa mas’uulkan.
Waxaa is casilaadda mas’uulkan xubnaha golaha hoose ee ismaamulka Homa Bay u gudbiyay ku xigeenka afhayeenka golahaasi Okings Okomo.
Okings Okomo ayaa intaasi ku daray in xilka afhayeenka golaha hoose ee ismaamulka Homa Bay uu haatan banaan yahay.
Gaya ayaa guddoomiyaha golaha hoose ee dowlad deegaanka Homa Bay loo doortay sanadkii 2022-kii, ka dib doorashadii guud ee waddanka ka dhacday.