Aas loo sameeyay 15 qof oo isku qoys ah oo lagu dilay Qaza

0
295

Waxaa munaasabad aas ah loo sameeyay 15 qof oo hal qoys ka soo wada jeeday oo ay Israa’iil duqeyn ku dishay.
Weerarkan ayaa ka dhacay magaalada Az-Zawayda ee ku taalla Marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Xubnaha qoyska Abu Jawad ee la dilay waxaa ka mid ah 11 carruur ah.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, duqeymaha Israa’iil ee Qaza waxaa lagu dilay ugu yaraan 40,074 qof iyadoo la dhaawacay 92,537 kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here