Raila oo taageero ka helay madaxweynaha Congo

0
306

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa helay taageero dheeraad oo ku aaddan musharraxnimadiisa xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC.
Waxaa garab istaaggan u muujiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Congo Denis Sassou N’Guesso.
Tani ayaa timid ka dib wada hadal ay labadan mas’uul yeesheen sida uu bartiisa rasmiga ee X ku xaqiijiyay Raila Odinga.
Waxaa uu ra’iisul wasaarihii hore ee dalka intaasi ku daray in isaga iyo madaxweynaha Congo ay sidoo kale ka wada hadleen arrimaha ammaanka, horumarka iyo saameynta isbeddelka cimillada uu ku leeyahay qaaradda Afrika.
Raila ayaa Denis Sassou uga mahadceliyay taageeridda musharraxnimadiisa.
Waxaa uu xusay in garab istaagga Denis Sassou N’Guesso uu xoojinaya dadaalka ay Kenya ugu jirto in ay hoggaamiso guddiga Midowga Afrika.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee DRC Felix Tshisekedi uu sidan oo kale u taageeray musharraxnimada Raila Odinga ee xilka AU-da.
Odinga waxaa ilaa iyo hadda qabashada jagada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika kula tartamaya wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Youssouf iyo Fawzia Yuusuf.
Xilkan oo uu hadda haya Moussa Faki ayaa loo tartami doonaa bisha Labaad ee sanadka soo socdo ee 2025-ka.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa soo dhistay xoghayn hoggaaminaysa ololaha musharraxnimo ee Raila Odinga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here