Kenyaanka oo lagu boorriyay u hoggaansanka tilmaamaha caafimaadka

0
472

Dowladda ayaa dadweynaha kula talisay in ay si dhow ula shaqeeyaan wasaaradda caafimaadka ee dalka oo ay u hoggaansamaan tilmaamaha saraakiisha ay siinayaan ee dhanka badqabka.
Xoghayaha wasaaradda caafimaadka ee dalka Mary Muthoni ayaa kenyaanka ku boorrisay in ay garab siiyaan dadaallada lagula soconaya sidoo kalena lagu maareynaya caabuqa Mpox.
Waxay tilmaantay in waqti xaadirkan la xoojiyay tallaabooyinka ka dhanka ah cudur sidahan sida baaritaannada, dabagalka dadka la macaamilo shakhsiyaadka caabuqa looga shakiyo iyo howlaha kormeerka ee ka socdo dhammaan meelaha waddanka laga soo galo.
Mary Muthoni ayaa rayidka ka codsatay in ay u dulqaataan dib dhacyada soo foodsaarto ee ka dhasha dhaqangelinta tallaabooyinkan.
Sidoo kale , waxay ka digtay faafinta kiisaska laga shakiyay ee furuq daanyeerka Mpox si looga hor tago macluumaadka aan saxda ahayn loona tixgeliyo waxyaabaha u qarsoon bukaannada.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa xustay in ay sii wadi doonto in ay kenyaanka si joogto ah faahfaahin uga siiso xaaladaha caafimaad ee soo kordha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here