Natiijada baaritaannada 6 qof oo looga shakiyay Mpox oo weli la sugaya

0
231

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay furuq daanyeerka Mpox ka baartay 21,350 qof oo soo safray.
Baaritaannadan ayaa laga sameeyay meelaha laga soo galo waddanka.
Wasaaradda ayaa caddeysay in ilaa iyo hadda uunan jirin kiis la xiriira Mpox oo laga xaqiijiyay gudaha Kenya.
Waxaa la baaray 29 qof oo caabuqan lagu tuhmay iyadoo 23 ka mid ah dadkan laga waayay.
Waxaa weli la sugaya natiijada baaritaannada 6 kiis oo kale.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda caafimaadka dalka Mary Muthoni ayaa arrimahan shaaca ka qaadday.
Waxay intaasi ku dartay in weli la sugaya natiijada baaritaanka ee haweeneydii shalay looga shakiyay caabuqa Mpox ee ismaamulka Kiambu.
Xoghayaha ayaa carrabka ku adkeysay in bukaankaasi la gooni yeelay oo xaaladeeda caafimaad lagula tacaalaya gudaha dowlad deegaankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here