Maxkamadda ciidamada ee Puntland oo amartay in aragti lagu toogto saddex nin

0
351

Maxkamadda ciidamada ee maamulka goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta soo saartay go’aan culus oo ka dhan ah saddex nin oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo dhawaan ka baxsaday xabsi ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Sarakaal sare oo ka tirsan maxkamadda ayaa sheegay in raggaas oo hadda la raadinayo ay ku xukumanaayeen dil toogasho ah, islamarkaana ay la mid yihiin 10-kii nin ee ka tirsanaa Al-Shabaab ee saaka lagu toogtay fagaare ku yaalla waqooyiga Gaalkacyo.
Waxaa uu sarkaalkan amar ku bixiyay in ciidamada ammaanka ay aragtii ku toogtaan saddexda nin ee baxsadka ah, haddii ay meel ku arkaan.
Raggan ka baxsaday xabsiga waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa la ogeyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen, waxaana weli socda howlgallo lagu baadigoobayo.
Puntland ayaa saaka toogasho wadareed ku fulisay 10 Shabaab ah oo ku xukumunaa dil toogasho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here