Eedeysane loo haysto inuu sarkaal ka tirsanaa GSU-da dilay oo la qabtay

0
451

Waxaa deegaanka Rarieda ee ismaamulka Siaya lagu qabtay qof ku eedeysan dil maalmo ka hor ismaamulka Kisumu loogu gaystay sarkaal booliis oo ka tirsanaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee (GSU).
Askariga ayaa la dilay habeenimadii ay Isniinta soo galeysay.
Booliiska dalka ayaa laga soo xigtay in tuhmane Ronaldd ‘Ronny’ Liwind la soo qabtay ka dib markii howlgal laga fuliyay gurigiisa.
Waxay sheegeen in ay aaminsan yihiin inuu ka dambeeyay dilkii Calvince Ouma Omondi oo ka dhacay xaafadda isku raranta ah ee Manyatta ee Kisumu.
Booliiska ayaa raadinaya qof kale oo la rumeysan yahay inuu dilkan ka qayb qaatay.
Sarkaalka la dilay ayaa ka howlgalayay Turkwel oo ka tirsan ismaamulka Turkana waxaana toorri la geliyay xilli uu fasax ku jiray.
Calvince Ouma Omondi ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeday Bariga ismaamulka Kisumu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here