Booliiska oo loo diiday in ay Jimmy Wanjigi xiraan ka hor 19-ka bisha Sagaalad

0
442

Maxkamadda sare ee dalka ayaa kordhisay muddada uu sii shaqeynaya amarkii ciidamada booliiska looga hor istaagay in ay xabsiga u taxaabaan ganacsadee Jimmy Wanjigi.
Waxaa go’aankan soo saaray garsoore Bahati Mwamuye .
Xaakinka ayaa sheegay in aan ganacsadaha la xiri karin ilaa 19-ka bisha Sagaalad ee sanadkan xilligaasi oo arrintan la dhageysan doono.
Hasa ahaate, waxaa uu xusay in uunan bixin karin amar hor istaagaya diiwaangelinta qoraal dacwadeed ka dhan ah maalqabeenkan.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Wanjigi oo uu qareen matalaya uu maxkamadda geeyay codsi uu ku doonaya in booliiska laga hor istaago in ay xiraan.
Tani ayaa timid ka dib markii 8-dii bishan ay ciidamada ammaanka isku dayeen in ay gacanta ku dhigaan ganacsadaha oo ay ku eedeyeen maalgelinta dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here